Épisodes

  • Axkaamta Bisha Ramadaan
    Apr 12 2021
    Axkaamta Bisha Ramadaan oo kooban, Wax ka ogow qayb kamid ah arrimaha bisha soonka ku saabsan, Goorma ayaa la waajibiyay? Meeqa soon ayuu nabiga soomay? Maxaa soonka buriya, Maxaa soonka u fiican?
    Afficher plus Afficher moins
    19 min
  • Qiso aad u xanuun badan iyo dhibka Xanuunka isku buuqa
    Apr 10 2021
    Waa Qiso aad u xanuun badan oo ku dhacday Maxammed Deeq, wuxuu nala wadaagay dhibkii uu ka soo maray xanuunka isku buuqa walalka iyo walbahaarka, sidoo kale wuxuu nala wadaagay sida uu dhibkas uga baxay.
    Afficher plus Afficher moins
    19 min
  • Aayadaha Xasiloonida
    Jan 31 2020
    Aayadahan waxaa la dhahaa Aayadaha Xasiloonida, Waa aayado Nabiga ku soo degay isagoo xaalada adag ku sugan, ilaahayna uga qaaday wixii haystay. Culumada oo u kuur galay aayadahan waxay soo ogaadeen in aayadahan yihiin kuwa saamayn leh. ilaahay ha nagu anfaco dhibkana hanaga qaado.
    Afficher plus Afficher moins
    6 min
  • Sidee ku hormarin kartaa Naftaada
    Dec 26 2019
    Erayga hormarinta nafta ama waxa loo yaqaan self-developemt, waa eray ku cusub dadka Soomaaliyeed, wayna adagtahay in aad qofka u sharaxdid sida ay muhiim u tahay hormarinta nafta. Aduunka aan maanta ku noolnahay ee hormaray lacago badan ayaa lagu bixiyaa sidii qofka loo hormarin lahaa shirkado badan ayaa u furan la talinta iyo hagaajinta qofka. Waxaan rabaa in aan kula wadaago 3 arrin oo sabab u noqon karta in aad ka cabsatid hormarinta naftaada, isla markaana waxaan kula wadaagi doonaa shan arrin oo sabab u noqon karta ama kuu horseedi karta hormar iyo noolal aad ku qanacsantahay.
    Afficher plus Afficher moins
    17 min
  • Sida loo qaato go'aamada iyo sababaha tala xumada keena
    Dec 25 2019
    Ma sahlana in qofku go'aan qaato, saas dardeed, Barnaamijkaan waxaan uga hadlaynaa calaamadaha lagu garto qofka go'aanka leh, sidoo kale calaamadaha qofka go'aanka aan lahayn. iyo qodob kuu sahli kara qaadashada go'aamo caafimaad qaba.
    Afficher plus Afficher moins
    10 min
  • Weli busaarad, shiit ma noqotay? Episode 3 - Nasir Cadceed
    Dec 15 2019
    Lacag la’aan dhaqaale xumo iyo baahi dad kale qofkasta qatar ayuu ugu sugan yahay!! Saas ay tahay waxaa fiican in aad dadka maarantid, haddaba Sidee uga maarmi kartaa dadka kale? Sidee Dhaqaale u samaysan kartaa?
    Afficher plus Afficher moins
    10 min
  • Bustaha hoostiisa iyo kala hadaaddaEpisode 2 - Nasir Cadceed
    Dec 14 2019
    Waa subax sabti ah jawi qaboow macaan yahay, dad badan bustaha ku hoos jiraan. Dhagayso barnaamij laga yaaba in aad iska dhex maqashid. Nasir Cadceed. 2019
    Afficher plus Afficher moins
    7 min
  • Ha dhiman intaadan dhiman ka hor
    Mar 17 2019
    Waxaan uga hadlayaa oo talo siinaya dadka Cabsida geerida iyo sida aad uga gudbi karan.
    Afficher plus Afficher moins
    9 min